Tacsi Qaran— Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo ka tacsiyeynayaan Geerida Alle ha u naxariistee Axmed Saciid Kaarshe

Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxay tacsi la wadaagaynaa Bulshada Soomaaliyeed khaasatan Ardeydii 1970 taneeyadii 1980 tameeyadii iyo 1990 Sagaashameedyadii , geeridii ku timid Allan naxariistii Jano ha ka Waraabiyee Axmed Saciid Kaarshe.

Marxuum Kaarshe wuxuu ka mid ahaa Aabayashii Waxbarashada Soomaaliyeed, wuxuu mudo dheer ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaarada Waxbarashada, isagoo mudo dheeraa kusoo dhex jiray Waxbarashada Soomaaliya.

Marxuumku wuxuu shalay ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Puntlandi.com

<