Breaking News—Dowlada Federaalka oo Galabta soo saaraysa Amar lagu xirayo gabi ahaan Magaalada Muqdisho

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Wasaarada Ambiga DF ayaa sheegaya in kulan ka socda Villa Soomaaliya uu kasoo baxay Amar lagu xirayo gabi ahaan Muqdisho iyadoo sabab looga dhigay ka hortaga Corona Viruska

Amarkaan ayaa Bandow lagusoo rogayaa Magaalada , waxaa Albaabada loo xirayaa Goobaha Ganacsiga , waxaa la joojinayaa Isusocodka Dadka.

Amarkaan oo soo gaaray Wasaarada Amniga, ayaa waxaa jira muran Siyaasadeed oo isna feer socda Amarkaan.

Lama oga qaabka uu u hirgalayo amarkaan iyo Qorshaha ay Xukuumadu u Diyaarisay Shacabka laga Xirayo ganacsigooda, iyo kuwa lagu amray inay guryaha aysan kasoo bixin.

Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in Amarkaan ay fulinayaan Ciidamada sida tooska ah UGa Amar qaata Villa Soomaaliya.

Wararkaan iyo wixii kasoo kordha goor dhow naga filo

Puntlandi.com
Muqdisho

<