Qof looga Shakiyey Corona Virus oo la diiday in laga qaado Digfer lana geeyo Martini

Dhacdo shalay ka dhacdey Muqdisho ayaa walaac badan laga muujiyey kadib markii la ogaadey in Isbitaalka Martine oo Xukuumadu u diyaarisay in la geeyo Dadka qaba Cudurka Corona uusanba haysan Qalabka Ka caawiya bukaanka inay Neefta qaataan.

Qof bukaan ah oo lakeenay Digfeer ayaa looga shakiyey inuu qabo Cudurka Corona Virus waxaana durba loo dalbay Aambalaas heysa Isbitaalka Martine oo Dowladu sheegtay in la keeno Dadka looga shakiyo Fayruska Covic19, Bukaankaan oo ay aad u dhibaysay inuu neefta qaato ayaa la ogaadey in Isbotaalka loo wado ee Martine aysanba olien Qalabka Neefta Dadka u sahla iyo neefta ogdajiintuba.

Xukuumada Federaalku ilaa hada sharaxaad kama aysan bixin sababta bukaanka ama Dadka laga shakiyo loo gaynayo Isbitaalka aan qalabkaanba haysan.

Dhalhaatiir badan ayaa maanta waxay ka hadleen Khatarta kusoo wajahan Magaalada iyo Masuuliyad darada muuqata iyadoo Xukuumadu ay Caalamka u sheegeen inay Diyaariyeen goobo lagula talaalo Bulaanka noocaan ah ayna jiraan Dalal dhaqaale kusiiyay Dowlada in Dhacabka laga caawiyo inuusan cudurkaan uusan baahin.

Puntlandi.com
Muqdisho

<