Gaalkacyo oo Maamul cusub loo samaynayo

Wararka ay Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Isbadal heer Gobol iyo heer Degma ah lagu samaynayo Maamulka Gaalkacyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Dhabancad ayaa ku howlan in Gobolka tayadiisa kor loo qaado waxayna taas ku iman kartaa oo qura in la sameeyo Isbadal buuxa oo xaga Maamulka laamaha ah, waana waxay u hada Wasiirku ku howlan yahay, waxaa sidaas Puntlandi.con u sheegay mid ka mida Siyaasiyiinta Gobolka.

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ayaa maalmahaan wuxuu ku sugnaa Magaalada, wuxuuna wadatashi kula jiraa Diyaasiyiinta iyo Waxgaradka Puntland.

Qorshahaan Cusub wuxuu qayb ka yahay Barnaamijyadii uu horay Madaxweynuhu u sheegay ee ahaa in Isbadal buuxa oo waxqabad ku salaysan lagu sameyn doono dhamaan laamaha Gobolada Iyo Caasimadohoodaba.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<