Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Wanlaweyn oo isku eedeeyey Dagaal Beeleedyada ka socda Wanlaweyn

Kadib markii Baraha Bulshada lagu baahiyey Sawiro muujinaya Qof loo dilay si qaabdaran ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan labada Gole.

Nationalt Ibraahim Yusuf oo ka tirsan Sanetarada Aqalka Sare ayaa Gudoomiyaha Degmada Wanla wayn waxay ku eedeysay inuu ku lugleeyahay Dagaal Beeleedka ka socda Deegaankaas, Balse Gudoomiye Fiidoe oo Saxaafada Muqdisho la hadlay ayaa wuxuu beeniyey warkaas isagoo sheegay in Xildhibaano Reer Hirshabeele ah ay hurinayaan Colaada.

Dad Rayidka ayaa lagu laayay nawaaxiga Wanla weyn maalmihii lasoo dhaafay, balse waxaa jira dal fool xun oo Nin Dhalinyaro ah lagu dilay kasoo lagu goeracay Bartamaha Magaalada kadibna Sawiradiisa lasoo dhigay Baraha Bulshada.

Ma ahan markii u horaysay oo Xubno ka tirsan Xukuumada Federaalka lagu eedeynayo hurinayaan Colaad Beeleedyo, Jubbaland ayaa horay ugu eedeysay Dowlada Federaalka inay Borobogaando iyo ka qaybqaadasho Dagaal Beeleed ay ka wadaan Jubbland.

Puntlandi.com
Muqdisho

<