Madx. Shariif Sh. Axmed oo la kulmay Midowga Yurub hoostana ka xariiqay in aan halmaalin lagu darsan karin

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo hogaaminaya Wafuud ka tirsan Madasha Midnimo Qaran ayaa waxay Xafiiskiisa kula kulmeen Wakiilka Midowga Yurub Niclas Berlanger waxayna ka wada hadleen Xaalada Siyaasadeed ee Dalka khaasatan Doorashada.

Madaxweyne Shariif oo hadal kooban kasoo saaray kulanka ayaa wuxuu sheegey in ay hoosta ka xariiqeen in aan Xukuumada Wakhtiga kasii dhamaanayo aysan halmaalin xitaa aysan ku darsan Karin Wakhtigooda,

Dalka waa in Doorashadu ku dhacdaa wakhtigeeda wax kale oo aan aqbalayso ma jirto ayuu yiri Dhariif Sheikh Axmed.

Kulanka waxaa kaloo looga hadlay Xaalada Caafimaad ee Dalka, wuxuuna Madaxweyne Shariif u sheegay Midowga Yurub in kaalmo Caafimaad ay Soomaaliya u baahnayn doonto Hadii Cudurka Corona uu sii socdo.

Sawirada hoos ka daawo

<