Madaxweyne Deni oo Garowe ku Casumay Madaxda Xisbiyada

Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay si hordhac ah u heleen ayaa waxay sheegayaan in uu socdo abaabul loogu jiro in uu Garowe ka furmo Shirweynihii Arimaha Soomaaliya ee Madaxweyne Deni uu Gogashiisa dhigay.

Madaxweyne Deni wuxuu gabi ahaan baajiyay Dafarkiisii Muqdisho taas badalkeeda wuxuu Madaxweynuhu uu casumay si ay uga wadatashadaan Ajandayaasha Shirka, Madaxda Xisbiyada Dalka ee ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Sheikh, Shariif Sheik Aaden iyo Masuuliyiin kale.

Waa Shirkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo Dalka ka dhaca mudo Sadex sano ah, ujeedkiisuna waa in ay Dalka Doorasho ka dhacdaa xiligii loogu talagalay.

Kulankii maanta Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynihii hore iyo Safiirka amidowga Yurub ayaa isna qayb ka ah Dadaalada loogu jiro in Shirka Garowe ay kasoo baxaan Nidaam Doorashada lagu galo.

Shirweynaha Garowe waxaa kasoo qayb galaya dhamaan Saamilayda Siyaasda Soomaaliya.

Waxaase muuqata in Dowlada Federaalku ay ka caga jiidayso ka qaybgalka Shirkaan in kastoo wali ay Beesha Caalamku ku cadaadinayso inay aqbalaan Dadaal walba oo Doorashada loogu gogol xaarayo.

Puntlandi.com
Garowe

<