Deeqda Beesha Caalamka oo la doonayo in Puntland lagusoo xero galiyo iyo Madaxweyne Deni oo muujiyey inuu ka maarmo,

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxay ku taagan tahay wadada horumarka iyo isku filaashaha, waxay taasi horseed u noqonaysaa awood Siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo Puntland yeelato.

Dalalka ku tiirsan kaalmada Deeq bixiyaasha waxay ku jiraan Nidaam cusub oo Guumeysi, Tani waa mid ay horay uga gudbeen Wadamo badan.

Soomaaliya waxay ku tiirsantahay dhaqaale ahaan Beesha Caalamka haba u daraato Koonfurta Soomaaliya, laakiin Deeqdaas tan iyo markii la bilaabay in lasoo mariyo Dowlada Federaalka, waxay noqotay hub Siyaasadeed oo loo adeegsado Siyaasada Markaas taagan.

Maamulada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa Xukuumada hada jirtaa ay u adeegsatay Kaalmadii Caalamku siiyeen Soomaaliya, waxaana laga hirgaliyey Deegaanadaas Maamulo hoos taga Villa Soomaaliya, dhaqaalihii Shacabkuna waxaa loo adeegsadey Kharashaad siyaasadeed iyo Laaluush, Maamulada halkaas ka jiraan waa kuwo aan waxba dhaamin Maamuladii Goboladii Soomaaliya Xiligii kacaanka, waxaa taas lagu sifeeyey inay saamaxday Han tarifa Siyaasiyiinta Deegaanadaas u soo kacay Xiligaan oo aan haba yaraatee aysan ku jirin dareen Ay u danqaadaan Shacabkooda. Mid walbaa wuxuuna galayaa oo qura Jeebkiisa iyo baahidiisa maanta, mana arkaan Mustaqbalka soo socda.

Wali waxaa jira Shaqsiyaad Reer Puntland ah, oo aan kuwaas waxba dhaamin, kuwasoo hada doonaya in ay Bulshada Puntland ay ka dhaadhiciyaan in Dowlad Soomaaliyeed oo iyaga matashaa ay ka jirto Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xukuumadiisu waxay muujiyeen Bisayl Siyaasadeed iyo iney si toosa ula dagaalamaan Cidwalba oo isku dayda iney hareer maraan Siyaasada Puntland, Garowe ha joogo ama Xamar ha joogee.

Wuxuu Madaxweyne Deni tusay Aduunka in ay Puntland isku filan tahay oo ay ka maaranto shilimaad iyo tababar Ciidan oo Villa Soomaaliya loo soo mariyo Xiligaan.

Tusaale fiican waxaa kuugu filan kumayaal Ciidan ah ayaa kasoo qaliin jabiyey Xeryaha Tababarka Ciidamada iyadoon Puntland aysan wax kaalmo ah meel kale, horay waxay Puntland Caalamka u tuseen in ay Reer Puntland ay wakhti yar kaga jawaabaan Masiibooyinka soo noqnoqda sida Fatahaada iyo Dabaylaha roobabku keenaan iyo Abaaraha iyo wixii lamid ahba, waxayna u gurmadaan Soomaalida kale.

Isku filaashaan wuxuu abuuray in Puntland ay noqoto awood ay Beesha Caalamku ixtiraamaan, waana tan Madaxweyne Deni uu dareensan yahay uuna uga maarmay Shilimaadka Beesha Caalamka ee Xamar lasoo mariyo.

kuwa wali ku howlan marin habaabinayo Shacabka Doomaaliyeedna wuxuu u muujiyey in uusan wax walwal ah uusan ka jirin Puntland ayna Reer Puntland ay horay u tashadeen Diyaarna ay u yihiin inay kaar walba ay ciyaaraan.

Puntlandi.com
Garowe

<