Kenya oo Ciidan cusub u diraysa Jubbaland

Dowlada Kenya ayaa qorshaynaysa inay Ciidan hor leh u dirto Gudaha Jubbaland sida lagasoo xigtay Saraakiil Jubbaland ah.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ayaa horay Kenya uga codsadey in la kordhiyo Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbaland si ay uga qaybqaataan la dagaalanka Al-Shabaab.

Sida aan warka ku heyno Kenya iyo Jubbaland ayaa waxay horay ugu heshiiyeen in Marka hore ay Jubbaland diyaariyaan Ciidan gaaraya 15.000 oo Askari markaas kadibna ay Kenya keeneyso ugu yaraan 2000 oo Askari kuwasoo lagu kordhin doono Ciidamadii Kenya ee horay u joogay Jubbaland.

Qorshahaan ay wada gaareen Kenya iyo Jubbaland ayaa hada gabagabo ah waxayna Xukuumada skebys ay hada meelmariyeen Qorshaha lagu kordhinayo Ciidamadooda jooga Soomaaliya.

Qorshahaan wuxuu qayb ka yahay Barnaamij ay wada wadaan Kenya iyo Maraykanka oo lagu la fagaalamayo Argagixisada siloo xaqiijiyo Amaanka Kenya iyo in laga hortagi Abaabulka weerarada ka dhanka ah Kenya ee lagasoo maleego Gudaha Soomaaliya.

Lama shaacin Wakhtiga rasmiga ah ee Ciidamada Kemya ay soo galayaan Jubbaland.

Puntlandi.com
Nairobi

<