Puntland oo Xuduudeeda Xirtay , Dad badana u gudbisay Koonfurta Soomaaliya

Tan iyo 28/3,2020 oo ahayd markuu hirgalay Bandowgii ay Dowlada Puntland ku xakamaynaysay Faafida Cudurka Corona Virus waxay Xukuumadu qaadey talaabooyin lagusoo adkeynayo in Uusan Cudurkaan soo gaarin Bulshada.

Waxaa hada cadaadis la saaray Dadka ka imaanaya Dhanka Soomaaliland, Dad badan ayaana hada lagu hayaa Xarun la haynayo Dadka soo gala Puntland si loo hubiyo inay Cudurka qabaan iyo in kale.

Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaarada Caafimaadka ayaa iska kaashanaya hubinta Barnaamijkaan.

Inkastoo Cudurkaan ay Adag tahay in la ogaato Qofka qaba hadana Dadaalkii ma yara sida muuqata, taas awgeed Qofkii ka yimaada meel ka baxsan Puntland waxaa la haynayaa 14 maalmood kadibna waxaa la gudbinayaan inuu u gudbo meeshii u socdey isagoon Xiriir la sameyn Bulshada, Waxaana taas loo sameynayaa iyadoo laga yaabo in Cudurkaan uu Qofka qabto ama lagu arko mudo Sadex todobaad ka badan kadib.

Waxaa hada jira ugu yaraan 8 Qof oo loo gudbiyey Koonfurta Soomaaliya, si halkaas loogusii hayo ugu yaraan Todobaad kale.

Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland si rasmi ah ayuu uga hirgalay Talooyinkiivay Xukuumada Puntland soo jeedisay.

Puntlandi.com
Garowe

<