Puntland oo noqotay meeshii ugu horaysay oo go’aan Adag ka gaartay ka hortaga Covic19

Dowlada Puntland waxay go’aamo Adag kasoo saartay qaabka ugu sahlan uguna dhakhsaha badan xakameynta iyo ka hortaga Cudurka Corona Virus, Shacabkuna waxaad moodaa iney dhankooda dadaalayaan oo ay mqlayaan una dhaga nuglaanayaan Amarada iyo Talooyinka Dowlada, waana qaabka ay Wadamada ku guuleystay Xakamaynta Cudurkaan ay isticmaalaan

Qalabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo Cudurkaan waa Dadweynaha oo si dhab ah ugu hogaansama Amarada iyo Talooyinka Dowladohooda.

Bosaso 31 Maarso,2020–Pi— Xarunta Ganacsiga Puntland, Bosaso waxaa lagu gudbay qaad lagu soo qabtay Dad ka ganacsanaya, kadib Amarada kasoo baxay Xukuumada ee ka hortaga Corona Virus.

Ciidamada Bileyska ayaa gacanta kusoo dhigay qaadka iyagoona la kaashanaya Maamulka Magaalada Bosaso ayay goob fagaare ah ku gubeen.

Boolisku waxay sheegeen in hadii loo hogaansami waayo Amarada Dowlada ay xigi doonto ama la gaari doono xili ay Xukuumadu awood dheeraada isticmaasho ayna isla markaas soo saarto Amaro Ciqaab wata.

“Meelo badan oo Dalka ah Shacabku Way qaateen Amarada Dowlada , laakiin wali waxaa jira kooxo yar oo ka faa’iideysanaya iyagana gacantaan kusoo dhigaynaa” Waxaa sidaas yiri mid ka mida Booliska Bosaso

Sawirada hoos ka daawo

<