Yaa diley Gudoomiyhii Gobolka Nugaal

Wali Xog rasmi ah kama soo bixin baaritaanka Dilkii Xalay loo gaystay Gudoomihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam Gujir oo Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay.

Siyaasiyiinta ka agdhowaa Marxuumka iyo asxaabtiisuba waxay aaminsan yihiin in Dilka Marxuumku uu wajiyo badan leeyahay.

Mid kamida Asxaabta Marxuumka ayaa Warbaahinta Puntlandi.com wuxuu u sheegey in Dilka Marxuumka uusan aamin samayn in ay ka dambeeyaan oo qura Al-Shabaab.

Wuxuu yiri “ Waxaa xaqiiq ah in ay jiraan Dad aan Al-Shabaab ahayn laakiin ay wada shaqeeyaan, Dadkaas waxay kunturaad lacageed ku qaataan khaarajinta Dadka, waana ognahay meesha habdhaqanka laga isticmaalo”.

Wuxuu raaciyey … “Saan aamin sanahay Marxuumku laba arimoodba waa loo dilay, midi waa in Amaanka Puntland lagu khalkhal galiyo iyadoo dano Siyaasadeed oo Puntland laga aamusinayo, mida kalena wuxuu ahaa shaqsi u Adeega oo qura Shacabka Puntland Amaro dhowra oo uu bixiyey baa jira kuwasoo lagu difaacayay SIYASADA Xukuumada Puntland, wuxuuna aad ugu ololayn jiray Nidaamka Federaalka oo uu aaminsanaa inuu yahay Xalka kaliya ee Soomaaliya ay maanta haysato.

Mid kamida Siyaasiyiinta sida dhow ula shaqayn jiray Marxuumka oo isna la hadlay Puntlandi wuxuu sheegay in Weerarkii lagu dilay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaam Gujir uusan ahayn weerarar Al-Shabaab u jeedo gaara ka leedahay laakiin Al- Shabaab ayaa loo adeegsadey inay fuliyaan weeraraka oo Dad kale ayaa ka dambeeyey, Waayadaan Waxaan caadi ka dhiganay in haldoorkeena la khaarajiyo sidaasna lagu ilaawo inoogoo og Dadka ka dambeeya Dilkooda, Wali Waxaan Xasuusanaa Dilkii Alla ha u naxariistee Injineer Yariisow, Xagee ku dambeeyay Dilkaasi, Madaxweyne Deni iyo Xukuumada Puntland Waxaan rajaynayaa inay ila qabaan tuhunka cida ka dambeysa Dilka Gudoomiye Cabdisalaan, waa in si dhab ah oo lala kaashanaya Wadamada aan saaxiibka nahay loo Baraa kiiskaan, Siyaasad baa loo dilay waana Ujeedo lagu caburinayo Puntland iyo shaqada Xukuumada hada hortaal ee Arimaha Federaalka.

Masuuliyiintaan la hadlay Puntlandi.com waxay wada aamin San yihiin in Marxuumka ay weerareen oo dileen Al-Shabaab u adeegaya Dad kale oo ka baxsan Puntland laakiin Masuuliyiintu Way ka gaabsadeen inay magacaabaan cida ay tuhun San yihiin.

Cabdisalaam Xasan xirsi Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Wuxuu Xalay u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar Ismiidaamin ah oo loo geystay Xalay Abaarihii 7 makhribnimo, wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka saacado kadib.

Puntlandi.com
Garowe

<