Taliyaha. ciidanka Booliska “Waan u Aaraynaa Gudoomiye Gujir”

Taliyaha Booliska Puntland Janaraal Muxayadiin Axmed Muuse oo aaskii Gudoomiyaha Gobolka Kadib hadlay ayaa wuxuu ka tacsiyeeyey Geerida Marxuumka.

Taliyaha oo ka hadlay baaritaanka Dilka Gudoomiyaha ayaa wacad ku maray inaysan ka fariisanayn baaritaanka isla markaasna u aari doonaan.

Taliyaha ayaa Shacabka ka codsadey inay ka caawiyaan wixii macluumaad ah ayna ka qaybqaataan sugida Amaanka Guud ahaan Puntland.

Taliyaha ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay sharuucda Xukuumadu kasoo saartay xakamaynta Cudurka Corona Virus, wuxuuna amray in lasoo qabto Qofkii qaad ka Ganacsatada iyo kii jabiya amaawiirta Dowladu soo saartay.

Puntlandi.com
Garowe

<