Madaxweyne Deni oo Cambaareeyey weerarkii Xalay lagu dilay Gudoomihii Gobolka

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Ka tacsiyeeyey cambaareeyeyna Dilkii Alla ha u naxariistee Cabdisalaan Gujir Gudoomihii Gobolka Nugaal.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayuu Madaxweynuhu ku tacsiyeeyey waxaana Qoraalka kamid ahaa.. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed gaadmo ismiidaamin ah dhaawac kasoo gaadhay hadda u geeriyoodey, Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe”

Kulano looga hadlayo Xaalada Amaan ayaa goordhow waxay ka dhacayaa Magaalada, waxaana laamaha Amaanka looga dhagaystaan doonaa warbixin ku saabsan qaabkii uu weerarka u dhacay.

Puntlandi.com
Garowe

<