Cali Xaaji iyo Juxa oo ka tacsiyeeyey Geerida Marxuum Gudoomiye Gujir

Wasiiradii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi Farax Juxa iyo Cali Xaaji Warsame ayaa Ka Tacsiyeyn Geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Gujir oo Xalay u geeriyooday dhawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday isaga oo loo adeegsadey Qof ismiidaamiyey.

Juxa “ Innaalilaahi wa inaa ilayhu raajucuun , Qoyskii, Eheladii Marxuumka iyo Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland iyo waliba Shaqaalaha Gobolka Nugaal Waxaan uga tacsiyeynayaan Geerida walaalkeen Cabdisalaam Gujir oo ay Xalay dileen Cadowga Umada Puntland, Waxaan Marxuumka Illaahay uga baryayaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf, Aaamiin Aaamiin”

Cali Xaaji Warsame oo isna ka tacsiyeynayaan Geerida Marxuumka “ Waxaan ani ka tiiraayaysan ka tacsiyeynayaan Geerida Gudoomiyahii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaam oo Xalay kooxda Cadowgu ay ku dileen Garowe, Qoyskii iyo Ehelada Marxuumka Ayaan marka hore Tacsida la wadaagaynaa anaa Illaahay uga baryaya inuu samir ka siiyo, Marxuumkana janadii geeyo, Wuxuu Marxuumku geeriyooday isagoo shacabkiisa u adeegaya xili Habeyn ah, Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntlan Guud ahaan waan uga tacsiyeynayaan Geeridaa naxdinta xambaarsan”.

Weerar ismaadim ah ayuu Gudoomiyuhu ku dhawacmay Xalay Laba saac kadibna wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Garowe.

Ilaahay ha u naxariisto Gudoomiye Cabdisalaan Gujir.

Dhamaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Warbaahinta Puntlandi.com waxay tacsi u darayaan Qoyskii uu Marxuumka ka baxay iyo Guud ahaan Shacabka Puntland.

Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo Marxuumka…Aaaamiiin Amiiin

<