Bandowgii Dowlada Puntland oo durba laga dareemayo meelo badan

Shacabka Puntland waxaad moodaa inay u dhaga Nugal yihiin go’aamada Dowladu soo saartay oo ah ka hortaga Cudurka Corona Virus.

Xuduuda Puntland iyo Itoobiya ayaa la xiray waxaana la fasaxay oo qura in Dadka Doomaalida ah ay soo gali karaan Gudaha Puntland.

Cunada Ay Dibada u dhoofiso Puntland aya la joojiyey si loo hubiyo in Dhacabka Puntland ay haystaan cuno ku filan Wakhtiga xayiraad- ilaa Salaad subax, taas macneheedu waa in maalintii la isdhex yaaco sidii caadada ahayd, waana Wakhtiga ugu khatarta badan ina uu Cudurkaan u kala gudbo Dadka.

Talada ku socota Shacabka
Shacabka waxaa looga baahan yahay oo muhiim ah inay u hogaansamaan go’aamada Dowlada.

Waana inay maraan wadadaan

  1. Yareeya kulamada wixii ka badan Sadex Qof
  2. Isu jirsada masaafo dhan hal mitir iyo Bar
  3. Marnaba ha taabann Qof kale
  4. Salaanta gacanta joojiya gabi ahaan
  5. Markaad gurigaaga kasoo baxdo isku det
  6. inaadan meelna gaaban sida Albaab, jandiiro ama gidaar, meelaha badanaa Dadku taabtaan.
  7. Wajigabax gacanta ha u dhaweyn Adoon laba jeer dhaqin gacanta, badina gacma dhaqa.

Talaabooyinkaan waa la tijaaboyey waa qaabka kaliya ee lagu xakamayn karo inuu Cudurkaan baaho Adna aad kaga badbaadi karto.

Markaad gurigaaga kasoo baxdo ka fakar Dadka kaaga dambeeya Guriga oo ha usoo xambaarin Corona Virus raac talooyinkaan

Hoos ka alhriso Qoraalka Xukuumada Puntland kasoo saartay ka hortaga Cudurkaan

<