Xaaf iyo Qoorqoor oo loogala dabqaadayo

Wafdi Xildhibaano kasoo jeeda Xaafada Baraxley ayaa maanta waxay gaareen Magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay ugasii gudbeen Xaafada Baraxlay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa hogaaminaya Wafdiga wuxuuna ujeedka Safarkoodu yahay inay dhexdhexadiyaan Labada Nin ee ku soo haray sheegashada Madaxweynaha Galmudug oo kala ah Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf.

Xildhibaan Fiqi iyo Qoorqoor ayaa dhowaan heshiis dhex maray, labadaan Masuul ayaa isku diidanaa Siyaasada in mudo ah oo ololaha Doorashada Galmudug uu socdey laakiin markii Qoorqoor uu ku guulaystay Doorashadii Dhuusamareeb ka dhacdey waxaa bilowday Wadahadal dhex marayay Masuuliyiintii diidanaa Qoorqoor iyo Madaxweyne Qoorqoor kasoo lagusoo afjaray Khilaafkii.

Puntlandi.com
Gaalkacyo

<