Shir jaraa’id “ Qof ayaa isku qarxiyey Gudoomiyaha, Xaaladiisa Caafimaadka waa okey”.

Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Duqa Gorowe oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa Faahfaahin kooban waxay ka bixiyeen weerarkii caawa fiidkii lagu qaadey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Gujir iyo Masuuliyiin la socday.

Duqada Caasinada Garowe ayaa sheegay in Qaruxu uu ahaa Qof isqarxiyey, Dhawaca soo gaaray Masuuliyiintaan uu yahay mid sahlan.

Qofka isniidaamiyey oo aan sawirkiisa helnay waa Qof Dhalinyaro ah, aad ayuuna u googo’ay, Sawirka aad ayuu u dayacanyahay sidaas awgeed inaanaan daabicin Ayaan garanay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa xaqiijiyey in Gudoomiyaha Gobolka uu dhawac kasoo gaaray Madaxa balse uusan khatar ku jirin.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in baaritaan lagu samaynayo Weerarka ayna Ciidanku wadaan baaritaan

Dhawacyada kale waa sahlan yihiin oo firiro ayaa soo gaaray.

Puntlandi.com
Garowe

<