Madaxweyne Deni oo fasixiisii soo gaabshey kunasoo wajahan Garowe

Kadib markii uu caawa Garowe ka dhacay weerar lagu qaadey Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Alla ha u naxariistee Cabdisalaan Gujir ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni wuxuu joojiyey fasax uu ku maqnaa wuxuuna subaxa Isniinta isugu yeeray Golihiisa Ambiga.

Madaxweynaha ayaa Garowe si degdeg ah ugusoo wajahan, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey Madaxtooyada.

Weerarkii caawa oo ahaa Ismiidaamin ayaa waxaa ku geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Gudoomiyaha ayaa u geeriyoodey dhawac kasoo gaaray inta sare ee jirka.

Puntlandi.com
Garowe

<