Faahfaahin kooban Dadka ku dhawacmay Qaraxa iyo khasaaraha kale

Qaraxa Ismiidaaminta ah ee caawa ka dhacay Garowe ayaa lala beegsadey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Gudoomiyahu waa dhawac, waxaa kaloo iyana dhawac ah Sadex Qof oo labo ilaaladiisa kamid yihiin.

Hal Qof ayaa naloo xaqiijiyey inuu ku dhintayboo ahaa kii isqarxiyey Qaraxa.

Xaalada Caafimaad ee Gudoomiyaha ilaa hada war sugan lagama hayo balse durba qaliin ayaa lagu bilaabay, Waana sahlan yahay hada, sida uu noo xaqiijiyey kalkasliye Caafimaad oo ku sugan isbitaalka

Warar aan wali labo xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamada amaanku ay Qof toogteen balse wali macada waxa uu yahay Qofkaas.

Isbitaalka waxaa hada xiray Ciidamada, waxaa kaloo gabi ahaan Ciidan ku gadaamay yihiin goobtii Qaruxu uu ka dhacay.

Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa shir jaraa’id wada qabtay waxayna sheegeen oo qura in Qaruxu ahaa Qof isniidaamiyey isla markaasna Masuuliyiintii dhawucu soo gaaray ay sahlan yihiin.

Sargaal ka tirsan Ciidanka ayaa Puntlandi.com u sheegay in Ciidanku ay baaritaan wadaan ayna dhawaan Saxaafada la hadli doonaan.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Garowe

<