Faahfaahin iyo Dhagaysi.. Weerarkii caawa lagu qaadey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal

Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa caawa ka badbaaday weerar ay Cadowgu la beegsadeen, Dhawicii kasoo gaaraysa waa lagu guulaystay in la badbaadiyo.

Sida ay Saraakiisha Ciidanku u xaqiijiyeen Puntlandi.com Qof ayaa isku qarxiyey Gaariga Gudoomiyuhu saaraa, waxaana ku dhawacmay oo kale Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Nugaal xiligii Madaxweyne Gaas Sareeye guuto Farax Galangooli.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Gujir Xaaladiisa Caafimaad hada waa lagu guulaystay qaliin lagu sameeyey durba oo khatar ma ahan.

Wasiirka Arimahaguha Maxamed Cabdiraxmaan DhamaanCad ayaa sheegay in Baaritaan ay samaynayaan ayna talaabo ka qaadayaan cidii ka dambeysay.

Saraakiisha Amaanka ayaa hada kulan uga socdaa Magaalada, waxaana socda baaritaan.

Hoos ka dhagayso wasiir Dhabancad

<