Breaking News— Dowlada Federaalka oo carqaladanaysa Abaabulka Doorashada kana faa’iideysanaysa Corona Virus

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Xukuumada Federaalku ay soo wado qorshayaal lagu joojinayo dhaqdhaqaaqa Siyaasiyiinta Muqdisho ee Mucaaradka ah iyadoo cududaar laga dhigayo Cudurka Corona Virus.

Xayiraada Duulimaadyada Gudaha waa bilow kaliya oo qayb ka ah Qorshaha Villa Soomaaliya ay ku xayirayso Siyaasiyiinta Muqdisho.

Xukuumadu waxay ka hortagaysaa in Siyaasiyiinta Mucaaradka ah aysan tagin Garowe waxayna goordhow Bandow kusoo rogaysaa Magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku hayno waxay kaloo Xukuumadu soo wadaa inay manuucday in kulamo lagu qabto Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Baydhabo.

Villa Soomaaliyanwazay Cudurka Corono uga faa’iideysanaysaa in Doorasho aysan Dalka ka dhicin, waxaa sidaas noo cadeeyay Sargaal ka tirsan Xukuumada, sargaalkaan ayaa aad uga walwalsan Qorshaha ay Villa Soomaaliya wado tasoo uu ku tilmaamay kaligiis talisnimo iyo khatar horseedi karta Dagaal Sokeeye.

Xukuumadu waxay Doonaysaa inay Xirxiraan qaar kamid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyagoo adeegsanaya Xayiraada Corono Viruska.

Ciidamo gaara oo Villa Soomaaliya oo qura ka Amar qaadanaya ayaa la diyaariyey, kuwasoo loo adeegsan doono
Qaabka dib loogu dhigayo Doorashada iyo cabirinta Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Villa Soomaaliya.

Xogtaan wixii kusoo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Muqdisho

<