Breaking News— War cusub: Maxaa sababay Shirkii jaraa’id ee Wasiirada Federaalku ku qabteen Garowe

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa warar dheeraada ka helay sababta keentay in Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Federaalka Mudane Axmed Cawad uu qabto Shir Jaraa’id oo uu kaga cabanaya Madaxweyne Deni.

Sida aan xogta ku hayno habeynkii khamiista waxaa kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Wasiirada Federaalka, waxayna Wasiiradu Madaxweynaha ka codsadeen in Safarkiisa Muqdisho uu ahaado oo qura mid uu la kulmayo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaaraha, Wasiirada oo wadatashi la sameeyey Villa Soomaaliya waxay ka biya diideen in Madaxweyne Deni uu Muqdiaho u tago si ula kulmo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah.

Waxay kaloo Wasiiradu Codsadeen in la joojiyo hadal haynta ah SAAMILAYDA SIYASADA SOOMAALIYEED, taasoo ay ula gol leeyihiin in aysan jirin cid ka wada hadli karta Masiirka Soomaaliya oo aan ka ahayn Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, Waxay Tani cadeynaysaa in Villa Soomaaliya ay ka biya diidan tahay in Arimaha Doorashada iyo wadatashigeedaba ay qayb ka noqdaan Siyaasiyiinta Mucaaradka oo isugu jira Hogaamiyayaasha Xisbiyada iyo kuwa aan Wali xisbiyada Samaysan.

Labadaan qodoba Madaxweyne Deni si cad ayuu u diiday, wuxuu Madaxweynuhu sheegay in Safarkiisa Muqdisho uu yahay oo QURA, u gogol xaarida Shirka uu ku baaqay, iyo inuu la kulmo Siyaasiyiinta Mucaaradka sida Madaxweynayaashii hore iyo Siyaasi Cabdiraxmaan cabdishakuur, wuxuu kaloo Madaxweyne Deni hoosta ka xariiqay in Siyaasiyiintaan ay qayb ka yihiin ayaa ka talinta Mustaqbalka Dalka khaasatan Doorashada 2020, Asafrkiisa Muqdisshana uu ayahay wadatashi ku aadan Shirwaynahaas.

Arimahaan ayaa aad la isugu khilaafay waana tan keentay in Wasiir Cawad uu shir jaraa’id qabto, Hadalkii Wasiirka ee ahaa In Mdaxweyne Deni uu la kulmayo Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa hadal Siyaasadeysan.

Maxay Dowlada Federaalku u diidan tahay In Madaxweyne Deni uu la kulmo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dad aad ugu dhow Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Axmed Cawad waxay Puntlandi.com u xaqiijiyeen in culays badan uu ka jiro Villa Soomaaliya culaysyadaas oo ah in Villa Soomaaliya ay ka sidaan yihiin in Saamilayda Siyaasada Soomaaliya lagu soo daro Siyaasiyiinta Mucaaradka, waxay kaloo Villa Soomaaliya kasoo horjeedaa in uu dhaco shir looga hadlayo Doorashada 2020 oo aysan iayagu gacanta ku hayn.

Villa Soomaaliya waxay Madaxweyne Deni usoo jeediyeen in Shirku haduu dhacayo uu noqdo mid u dhexeeya Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo qura, halkaasna ay uga arinsadaan Nooca Doorasho ee Dalka ka dhacaysa, Arintaas Madaxweyne Deni si cad ayuu u diiday wuxuuna sheegey in Shirka ay isugu imaanayaan Dhamaan Xisbiyada, Maamul Goboleedyada, Siyaasiyiinta aan Xisbiyada ka tirsanayn iyo Dowlada Dhexe isla markaasna loo sinaan doono go’aan ka Gaarista Doorashada 2020.

Iskusoo duuboo khilaafkaan cusub wuxuu ku salaysan yahay oo qura Shirwaynaha uu Madaxweyne Deni ku yaboohay cida kasoo qayb gali doonta iyo cida qori doonta warmurtiyeedkiisa.

Puntlandi.com
Garowe

<