Beesha Caalamka oo baajiyey kulan ka dhici lahaa Villa Soomaaliya, Sababta oo ah

Kulanka ayaa lagu balan sanaa inuu dhaco horaantii Todobaadka soo socda balse waxaa Villa Soomaaliya lagu wargaliyey in Shirku uu baaqday.

Kulanka oo dhexmari lahaa Madaxda Dowlada Federaalka iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Ajandihiisu ahaa Xaalada Soomaaliya ee hada sida Doorashada iyo Khilaafyada u dhexeeya Saamilayda Siyaasada Soomaaliya.

Warar Dublamaasi oo Puntlandi.con ay gacanta ku dhigeen ayaa xaqiijinaya in Beesha Caalamku ay Shirka u baajiyeen Khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Khilaafka ayaa Salka ku haya kadib markii ay Xukuumadu iska dhaga tirtay oo ay maqli wayday talooyinka Beesha Caalamka.

Qodobka ugu weyn ee ay Beesha Caalamku ay ka caroodeen waxaa weeye Soo jeedintii loosoo jeediyey Villa Soomaaliya inay ciidamada kasoo saarto Gobolka Gedo, Arintasoo Villa Soomaaliya aysan wax jawaab ah aysan ka bixin ilaa hada.

<