Shirka Wadatashiga Puntland oo kooxkoox la isubqaybiyey, Qodobka Hoolka haysta oo noqday Doorashada 2020

Shirweynaha Wadatashiga Puntlanf ayaa ah midkii u horeeyey oo noociisa ah oo qaabkaan loosoo Agaasimo.

Waa shir si qodo dheer oo casri ah oo waliba qaab dimoqoraadiyaysan loo agaasimay, maanta waxaa kasoo qaybgalayaasha loo qaybiyey koox koox si ay uga doodaan Ajandaha shirka.

Kooxkooxda laguma xulin jagooyinka ay xambaarsan yihiin kasoo qaybgalayaashu, waxaa lagu Xalay si siman iyadoon la eegeyn taytalka Qofka, Matalan, Madaxweynaha Puntland iyo Agaasimayaasha si isku mid ah ayaa loo xulay.

Miis walba waxaa fadhiya koox ka doodaysa ajandayaasha Shirka, waxaana la rajaynayaa in Natiijo wax ku ool ah ay kasoo baxdo.

Sida Puntlandi.com xogta ku hayo Qodobka aadka u hadal haynta badan waa Qodobka ku saabsan Doorashada Soomaaliya 2020,Qodobkaan miis walba aad ayaa loo hadal hayaa.

Qodobka soo raaca waa Qodobka ku saabsan Midnimada iyo wadajirka Puntland oo aad moodo in kasoo qayb galayaashu ay aad uga doonayaan waxayna ka siman yihiin in Qodobkaan ay doonayaan in Isimada Dhaqanku ay ka muuqdaan oo ay iyagu u qaataan guryohooda ayna ka dhaadhiciyaan siyaasiyiinta hada iyo ku Mustaqbalka in la adkeeyo wadajirka Puntland iyo Difaaca Puntland iyadoo lakala saarayo Siyaasada Gudaha iyo tan Dibada Puntland.

Dhamaan kasoo qayb galayaasha Shirku waxay ka wada qayb qaadanayaan doodaha iyo isdhaafsiga fikradaha waxayna si wada jir ah isula meel dhigi doonaan natiijo rasmi ah oo lagu qori doono Warmurtiyeedka Shirka.

Beesha Caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya iyo Qaybaha kale ee Soomaaliya waxay indhaha ku hayaan Shirka Puntland.

Sawirada maanta hoos ka daawo

<