Sawiro Shirka Wadatashiga Puntland oo maalintii labaad socda , Sawiro

Shirweynaha Watashiga Puntland 2020 oo si rasmi ah u galay maalintii labaad ayaa Ajandayaasha Gudiyo loo saaray waxaa kamid ah xoojinta Midnimada Iyo Amaanka Puntland, Federaaliisamka iyo halka uu marayo, Dastuurka Federaalka, Dowlada Dhexe ee Soomaaliya, Doorashada 2020, Waxwada qaybsiga Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, Saamiga Puntland ee Waxyaabaha lagusoo helo Magaca Soomaaliya, Amaanka Maamul Goboleedyada Dalka iyo Faragalinta ay Xukuumada Dhexe ay ku hayso, Dowladaha Dariska iyo Xiriirka Soomaaliya.

Qodobadaan oo idil waxay kamid yihiin waxyaabaha kooxkooxda looga doodayo maanta iyo galinka hore ee beri,

Gabagabada Kulanka waxaa kasoo bixi doona Natiijada wadada ay Dowlada Puntland qaadi doonto oo ay Soomaali wax kula qaybsanayso, Dhaqaale iyo Siyaasadba.

<