Madaxweyne Axmed Madoobe oo dalacsiiyay Taliyihii ka shifay Villa Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Madoobe oo iminka ku sugan Magaalada Afmadow ayaa wuxuu dalacsiiyey Taliyaha Ciidamada Jubbaland ee Deegaanka Afmadow Axmed Maxamed Islaam.

Taliye Axmed ayaa loo dalacsiiyey Gashaanle Dhexe, wuxuuna hada ka dib u wareegayaa Magaalada Kismaayo si uu ugu biiro Saraakiisha sarsare ee Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu bogaadiyey Taliyaha iyo Ciidankiisa wuxuun sheegey inuu sameeyey talaabo ku dayasho mudan.

Hoos ka daawo Sawirada

<