Breaking news—Puntland oo beri kubdhawaaqaysa joojinta Diyaaradaha Muqdisho ka imaanaya

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com hada soo gaaray ayaa sheegaya in Wasaarada Caafimaadka Puntland iyo Hay’ada Socdaalka Puntland ay beri ka hadli doonaan ka hortaga Cudurka Corona Virus.

Si loo xakameeyo Cudurkaan inuu soo gaaro Puntland, waxaa la joojin doonaa Diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho, maadaama laga helay Qof qaba Cudurkaas halkaas.

Qofka laga helay Cudurkaan wuxuu kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho taas macneheedu waa in Qofkaan intaan Cudurka laga helin uu taabtay goobo badan, goob walba oo uu taabtay wuxuu ku reebay Virus, Viruskaas wuxuu noolaan karaa ugu yaraan 48 saac, qof walba oo taabtay meesha uu taabtay Qofka laga helay Cudurkaan isna wuxuu sii xambaarayaa Viruska.

Si looga hortago khatarta Cudurka iyo inuu faafo waa in la xiraa dhamaan Diyaaradaha ka imaanaya Wadamada iyo Goobaha laga helo Cudurkaan, waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegay Sargaal ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Puntland oo ku sugan Bosaso.

Puntlandi.com
Garowe

<