Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday Afmadow

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta waxay gaareen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha waxaa halkaas kusoo dhaweeyey Saraakiisha Ciidamada, Masuuliyiinta Degmada iyo Ururada Bulshada.

Madaxweynaha ayaa wakhti kooban wuxuu warbixin la Xiriirka Amaanka wuxuu ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada kadibna waxaa loo gudbiyey Guriga Martida eenDegmada.

Wuxuu kulamo kula qaadanayaa halkaas Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo Masuuliyiinta Degmada Afmadow.

Sawirada hoos ka daawo

<