Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland” Puntland Xuduudeedda iyo Madiirkeeda Cidna kalama tashanayno”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyey Shirweynaha Wadatashiga Puntland wuxuu kaga hadlay qodobo dhawar ah.

Gudoomiye Cabdirshiid wuxuu sheegay in Wadahadalka Soomaaliland iyo Dowlada Federaalka uusan soconeyn hadaysan Puntland qayb ka ahayn.

Gudoomiyuhu wuxuu Shacabka Puntland ugu baaqay Midnimo iyo in ay ilaashadaan Amaankooda, Dhaqadana lagu kala dambeeyo, wuxuu sheegay in Hogaaminta Siyaasda Puntland looga dambeeyo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, wixii sharci dajin iyo toosin ahna ay Baarlamaanka u taal.

Gudoomiyuhu wuxuu carabka ku adkeeyey in Masiirka Puntland iyo Xuduudaha Puntland aysan cidna kala fariisanayn.

Puntlandi.com
Garowe

<