Faahfaahin – Shirka wadatashiga Puntland oo beri furnaya

Warbaahinta Puntlandi.com waxay maalmaha soo socda idinka jawaab tiri doonaan Wararka Shirka Wadatashiga Puntland oo 15/3 Axada ka furmi doona Garowe, ku Xerow Puntlandi.com si aad u hesho macluumaad tafatiran.

Beri oo Axad ah wuxuu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni furi doonaa Shirweynaha Wadatashiga Puntlnd oo ajandayaal badan looga hadli doono.

Ujeedada ugu weyn ee Shirku waa xoojinta Midnimada iyo Amaanka Puntland, Siyaasada Gudaha iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Dhamaan Isimada Puntland iyo labada Gole ee Puntland Way kasoo qayb galayaan Shirka.

Xubnaha Puntland ku matalaya Federaalka ee Sadexda Gole (Xukuumada Aqalka Sare iyo Aqalka hoose) waa la casumay oo kii Awooda wuu imaanayaa.

Waxaa iyana kasoo qayb galaya Siyaasiyiinta miisaanka ku leh Puntland, waxaa iyana kasoo qaybgalaya Ururada Bulshada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ma jidho marti dharaf gaara ka baxsan Puntland oo la casumay, waa laga yabaa in Shaqsiyaad gaara lagu casumo maalinta u dambaysa shirka.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa si gaara loogu xilsaaray soo dhaweynta Martida kakala imaanaya daafaha Puntland.

Ciidamada Sirdoonka, Bileyska iyo Malatariga ayaa Amaanka Agaasimaha ka wada shaqaynaya inta uu Shirku socdo.

Shirka waxaa furaya soona xiraya Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Sida aan xogta ku heyno waxaa inta uu Shirku socdo la sameyn doonaa Gudi gaara oo ka baaraan daga Arimaha Kala guurka Soomaaliya, waxayna warbixin iyo talo soo jeedin udoo gudbinayaan Shirweynaha.

Gabagabada Shirka waxaa lasoo saarayaa Qoraal ka kooban Go’aamo iyo waxyaabaha Shirka kasoo baxa.

Puntlandi.com
Garowe

<