Breaking News—Masuuliyiintii ka socday Dowlada Federaalka oo Fariin ka timid Madaxweyne Farmaajo u gudbiyey Madaxweyne Deni

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay gacanta ku heyso ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu ku gacan sayray codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaano Reer Puntlnd ah oo Muqdisho ka yimid iyo Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Cawad ayaa Madaxweyne Deni waxay u gudbiyeen Dhambaal ka yimid Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Madaxweyne Deni ka codsadey in la furo Wadahadal iyo in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku yimaado Garowe isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare oo wada socda.

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay xogtaan rasmiga ah ku hayaan Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni si cad ayuu u diiday codsigaas.

Faahfaahin lagama bixin sababta uu Mdaxweyne Deni u diiday Codsiga Madaxweyne Farmaajo, waxaase naloo xaqiijiyey in Madaxweyne Deni uu xitaa diiday in uu wada xaajood ka galo cidsigaan.

Madaxweyne Xigeenka Axmed Cusmaan Karaash ayaa isna goob joog ahaa goobta Madaxweynaha loogusoo gudbiyey Codsiga, Madaxweyne Xigeenka iyo Madaxweynuhuba Go’aanka Way u dhamaayeen.

Puntlandi.com
Garowe

<