Raysal wasaaraha Itoobiya oo markale dhexdhexaadinaya Farmaajo iyo Uhuru

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Itoobiya uu maalmahaan ku mashquul sanaa dhex dhexaadinta Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo isku khilaafay Dagaalkii Magaalada Baledxaawo.

Siday horay u qortay Warbaahinta Puntlandi.com Safiirka Maraykanka iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa laba usbuuc ka hor waxay khadka Teleefoonka kula hadleen dhowr jeer Madaxweyne Farmaajo.

Itoobiya ayaa Beesha Caalamku u xilsaartay inay Madaxweyne Farmaajo la hadlaan si looga hortago cunaqabatayn uu mutaysan doono hadii uu maqli waayo talooyinka loosoo jeediyey.
Sida aan xogta ku haynay Todobaadkii hore Waxaa Madaxweyne Farmaajo loosoo jeediyey in uu Ciidamada ka saaro Gobolka Gedo, iyo in Wadahadal uu furo si loo xaliyo Xurgufta u dhaxaysa Isaga iyo Kenya iyadoo Kenya iyana lagu booriyey iney fududeeyaan Wada xaajoofka , waana tii sababtay in Kenya ay Wafdi u diraan Muqdisho.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa hada wuxuu wadaa in Ay Nairobi ama Adis Ababa ay ku kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyata.

Puntlandi.com
Adis Ababa

<