James Swan oo Garowe kusoo wajahan maanta

Waxaa la filayaa inuu maanta Garowe soo gaaro Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Booqashada Swan ayaa waxay ku salaysan tahay inuu warbixin ka siiyo Puntland Xaalada Guud ee Koonfurta Soomaaliya, Dagaalkii Gedo iyo Xiriirka Kenya iyo Villa Soomaaliya.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horay waxay Waraaq ugu direen Beesha Caalamka warqadaasoo ku daabsanayd Puntland oo ka walwalsan Dagaalada sokeeye ee ka socdey Gobolka Gedo iyo Xiriirka Kenya iyo Villa Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxay Beesha Caalamku ku mashquulsanayd sidii xal looga gaari lahaa qodobadaas aan kor kusoo Xudnay.

Hadaba Ergayga Gaarka ah ayaa Maanta wuxuu Madaxweynaha Puntland u gudbinaynaa warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Beesha Caalamka ee ku aadan qodobaas ay horay Puntland u muujinaysaa inay ka walwal sanyihiin.

Puntlandi.com
Garowr

<