Baarlamaanka Puntland oo ka shiray Cabashooyinka Canshuuraha ee Ganacsatada

Gudiga joogtaa ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka shiray Arimo dhowra oo Baarlamaanka horyaalay maalmahaan iyadoo uu dhir Gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirshiid Yusuf Jabril.

Ururada Ganacsatada ayaa Baarlamaanka usoo gudbiyey Cabashooyin ku aadan Canshuur xad dhaaf ah oo lagusoo Tigray halka qaarkood ay iyana ka cabanayaan Canshuurta oo ku badan.

Dood dheer iyo rogtogida Sharciga ayaa Gudiga joogtadu wuxuu go’aannku Gaaray in loo waco Hay’adaha Dowliga ah ee ay arintaan qusayso looga wada hadlo kadibna Sharci loogasoo saaro.

Ganacsatada ayaa rajaynaysa in Sharci waafaqsan baahida Ganacsatada ay Baarlamaanku soo saaraan, idla markaasna la jaangooyo Dharci fadhiya oo ku saabsan noocyada kala duwan ee Canshuurta.

Puntlandi.com
Garowe

<