Sadex Soomaali ah oo uu ku dhacay Corono Virus

Waxaa la xaqiijiyey in Sadex Qof oo Soomaali ah oo midu uu Dumar yahay uu ku dhacay Hargabka Corono Virus, Soomaalidaan ayaa waxay ku sugan yihiin Dalka Talyaaniga oo uu fara kulul ku hayo Cudurkaan.

Wararka aan ka helayno Talyaaniga waxay sheegayaan in Sadexdaan Soomaalida ah ee laga helay Corono Virus uu Qof ku sugan yahay Rome halka labada kale ay ku sugan yihiin Laambadusa.

Wali ma cada sida ay Xaaladoodu tahay laakiin waxaa Puntlandi.com loo xaqiijiyey ineysan khatar ku jirin.

Wixii Faahfaahin kasoo kordhaTalyaaniga waan idinla wadaagaynaa.

Puntlandi.com
Rome

<