Breaking News— Dowlada Federaalka Soomaaliya oo si toosa Amar loogu siiyey iney Ciidamada kasoo saaraan Gobolka Gedo

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com soo gaaray ayaa sheegaya in Dhowaan ay Dowlada Federaalku bilaabaysa inay Ciidamada kasoo saarto Gobolka Gedo. Arintaan ayaa timid cadaadis Dublamaasiyadeed oo lasaaray Villa Soomaaliya .

Wararka aan helnay waxay sheegayaan in Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo ay gadaal kasoo riixayso Kenya ay cadaadis saareen Villa Doomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaaraha Itoobiya waxay khadka teleefoonka ku wada hadleen laba jeer, sidoo kale Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi ayaa isna khadka teleefoonka wuxuu kula hadlay Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu cadaadoyey iney Ciidamada kasaaraan Gobolk Gedo isla markaasna ay Dowlada Federaalku joojiso Ciidamada ay u adeegsanayaan wax ka baxsan ladagaalanka Argagixisada.

Taas badalkeeda waxaa xal Dublamaasiyadeed lagu dhamaynayaa Xurgufta dhex taal Nairobi iyo Muqdisho, waana sababta keentay in Wafdi heer Wasiir ah oo Kenyan ah ay maanta yimaadaan Muqdisho.

Wararka aan helnay waxaa kaloo kamid ah in Dowlada Federaalka loogu hanjabay in cunaqabatayn noocyo badan ah la saari doono hadii ay yeeliwaayaan Xalka loosoo jeediyey.

Jubbaland iyo Puntland ayaa iyana markii hore Qoraal dheer oo Dacwad ah ka gudbiyey Villa Soomaaliya taasaana qayb ka ahayd in Lagu dhiirado in saas ay Beesha Caalamku ula hadlaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku heyno Dowlada Federaalku waxay aqbashay in Ay Ciidamada kasoo saarto Gobolka Gedo isla markaasna Ay soo celiyaan Xiriirkii wanaagsanaa ee Kenya ay la lahaayeen ayna ka wada shaqeeyaan ladagaalanka Argagixisada, lana joojiyo hadalada kulul ee Saxaafada la isu marinayo.

Puntlandi.com
Nairobi

Lagala soco Facebook Facebook.com/puntlandiOnline.com

<