Madaxweyne Deni oo la kulmay Madaxweynihii Xilka uga horeeyey

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Dalka Dib ugusoo laabtay ayaa maanta wuxuu soo gaaray Garowe.

Masuuliyiin labada Gole ka tirsan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirshiid Yusuf Jabril ayaa Garoonka Diyaaradaha Kusoo dhaweeyey isagoo kadibna u gudbay Madaxtooyada halkaasoo uu kusoo dhaweeyey Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay Shirkii Xisbiyada Dalku ay ku yeesheen Dalka Turkiga horaantii todobaadkaan ayaa isaga Iyo Madaxweyne Deni waxay iska waraysteen Xaalada Guud ee Dalka iyo macluumaadka Shirkii Istanbul ee Madasha Xisbiyada Qaran.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuxuu ka qayb galayaa Dhirka wada tashiga Puntland oo dhowaan Garowe ka furmi doona.

Puntlandi.com
Garowe


<