Madaxweyne Axmed Madoobe oo Beesha Caalamka ka codsadey in Gargaar deg deg ah lala gaaro Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta furay Kalfadhigii Baarlamaanka Jubbaland ayaa wuxuu ka hadlay Xaalada Gobolka Gedo oo uu ku tilmaamay mid aan hada wanaagsanayn.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegey in Gobolka ay Dowlada Federaalku ay kusoo duushay Ayaan Ciidamadooda ay tacadiyo iyo dhibaatooyin ay ku hayaan Shacabka, isagoo ugu baaqay in inay deg deg uga baxaan Gobolka ayna joojiyaan dhibaataynta Shacabka.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Shacab fara badan ay hada ka qaxeen Gobolka kuwasoo u baahan Gargaar deg deg ah, Waxaa hadalkiisa ka mid ahaa…. “ Hay’adaha Caalamka iyo kuwa Soomaalidaba Waxaan idiin sheegayaa in Gedo ay u baahan tahay Gargaar deg deg ah,10 sano oo Gobolku uu nabad ahaa waxaa hada Barakacbka bilaabay Ciidamadii Dowlada Federaalka. Waxaan codsaneynaa in Deg deg loola soo gaara Gargaar Shacabka Deegaanka.”

<