Baarlamaanka Jubbaland oo Shir uga furmay Kismaayo (Sawiro)

Kalfadhigii Baarlamaanka Jubbaland ayaa saaka wuxuu ka furmay Magaalada Kismaayo, Fadhiyaan waxaa horyaal Qodobo dhowra oo ay ugu horeeyaan Dagaalka Baledxaawo iyo Xiriirka Jubbaland iyo Kenya.

Gudiga Amniga ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay warbixin kasoo gudbiyaan Xaalada Guud ee Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isna halkaas ka jeedin doona Khudbada furitaanka Kalfadhiga.

Kulanku goordhow ayuu si rasmi Ahlu furmayaa, wixii Faahfaahin ah dhowaan Ayaan idiin soo gudbinaynaa.


<