Dowlada Federaalku waxay Soomaaliya dul saartay Deyn horleh, Maxay tahay Lacagaha la sheegayo in la cafiyey

Sida uu sheegey Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliya , Baanka Aduunku wuxuu Cafiyey Deyntii uu ku lahaa Soomaaliya, Dhinaca kalena waxaa la yiri Deyntaas waxaa Soomaaliya ka bixiyey Norway, Hadaba Xaqiiqdu maxay tahay.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle wuxuu si toosa been ugu sheegey Shacabka Soomaaliyeed waayo haba yaraatee ma jirto Deyn cidi ay Soomaaliya ka cafidey.

Barnaamijkaan aad maqashasn ee Deyn Cafinta Waxaa inoo keeney Dalka Norway,waxa loo ololeynayo ee la cafinayana waa lacagtii dulsaarka ahayd ee Soomaaliya ku socotay ee ma ahan Deyntii lafteeda, Ma jiro Wadan Cafiyey haldoolar oo ay Soomaaliya ku lahaayeen aan ka ahayn Dalka Shiinaha oo Cafiyey 45% Deynta Soomaaliya ku lahaayeen.

Norway lacagta ay bixisay iyada qudheedu waa Deyn ay Soomaaliya kubqoratay waxaana Saxiixay wasiir Beyle isagoo ilaashanaya Lacag guna ah oo kaashanaya ahaan loo siinayo Dowlada Federaalka ah.

Waxaa Cajiib ah in Shacabka Soomaaliyeed aan loo sheegin Xaqiiqda jirta, Xaqiiqdaas oo ah Deyn Deyn ku gud, Deynta ay Norway ku yeelanayso Soomaaliya waa mid ujeedooyin badan laga leeyahay, waxaa ugu horeeya Shidaalka laga rajo qabo.

Deyntaan cusub ee Norway Soomaaliya ku yeelanayso waxay ka dulsaar badan tahay Lacagaha kale ee Soomaaliya lagu leeyahay, waa qaab cusub oo guumaysi, Norway waxay doonayaan iney Deyntaan ay Soomaaliya galiyeen ay ku guulaysato marka la gaaro xiliga lagu gorgortamayo Shidaalka iyo soo saaridiisa.

Madaxda Dalka hogaansha ee Norway Adeegsanayso waxaa u horeeya Raysal wasaare Kheyre oo si dadban loo siiyey Malaayiin Doollar, Kheyre wuxuu sii Deegaanadaas Wasiir Bruno oo isna xoogaa loo balan qaadey.

Maamul Goboleedyada Dalka ka jira hadaysan ka hortagin khiyaamadaan Qaran , waxay u muuqanayaan inay qayb ka yihiin, wali lakala cada inta ay ka ogyihiin Maamul Goboleedyadu beenta ku aadan Deyn Cafinta la sheegayo iyo Qorshaha Norway.

Xildhibaanada Hada jira ayaa iyana ah kuwo iska hurda oo dushooda kaar lagu ciyaarayo, Khiyaamada hada socotana meel ay uga Gabadhaan ma jirayso, Masuuliyad weyn ayay ku leeyihiin, Waxaa wax laga xishoodaha in axildhibaan ay Shacabku wakiisheen uu soo fariisto Tv-ga uu yiraahdo waxba kama ogi waxa Dalka ka socda ama nalakalama tashan, Waa sheeko raqiisa oo aan cidna ka gadmeyn. Xildhibaanada labada Aqal ee maanta jira waxay qayb ka yihiin Falalka guracan ee Muqdisho ka socda ama laga abaabulayo, Waana lala xisaabtami doonaa.

Dhaqalayahan Farax Cabdullaahi Xasan
Soomaaliya

<