Dowlada Kenya oo Warsaxaafadeed kasoo saartay Ciidamada Federaalka Soomaaliya oo kusoo xadgudbay Xuduuda Kenya

Dowlada Kenya ayaa Villa Soomaaliya waxay ku eedeeyeen in Ciidankoodu uu kusoo xadgudbay Xuduuda Kenya ayna Villa Soomaaliya wado Daandaansi lagu daboolayo Fashilaada Siyaasadeed ee Gudaha Soomaaliya ka jira.

Qoraalka Kenya waxaa kamid ahaa “ Kenya ma aqbalayso in loo adeegsado sidii aalad lagu qarinayo ama lagu marin habaabinayo Shacabka Soomaaliyeed si loo qariyo Kashifka Siyaasadeed ee Dowlada Federaalka Soomaaliya”

Kenya waxay kaloo sheegtay in eedeeymaha aan dhamaadka lahayn ee ka imaanaya Villa Soomaaliya iney yihiin kuwo dano gaara laga leeyahay oo boor iskuqaris ah, waxaana Qoraalka Kenya kamid ah…

“Waxaan ku boorinaynaa Fowlada Federaalka iney joojiyaan qar iska xoornimadii taas badalkeedana ay ka shaqeeyaan sidii Dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa horumar”

Kenya waxay sheegtay in ay sii wadayaan la dagaalanka Al-Shabaab, “Dowlada Federaalka Soomaaliya waa inay ahmiyada kowaad saartay la dagaalanka Al-shabaab iyo Xarunta Khilaafka Maamul Goboleedyada” ayay Qoraalka ku tiri Kenya.

Hadalkaan kulul ee kasoo yeeray Kenya ayaa wuxuu u muujinayaa in Kemya ay fahansan tahay qaab dhaqameedka Hogaamiyayaasha Soomaaliya.

Shalay ayay Booliska Kenya sheegeen in ay jirto Orobogaanfo ay Baraha Bulshada ku baahinayaan Dad dano gaara leh.

Puntlandi.com
Nairobi

<