Akhriso Jubbaland oo hakad galisay Ka qaybqaadashada Barnaamijka Deyn Cafinta

Kadib markii la ogaadey in Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle uu ka Been sheegay Barnaamijka Deyn Cafinta ayaa Maamul Goboleedka Jubbaland wuxuu hakad galiyey Wadashayntii Wasaarada iyo howshii ay wada wadeen ee ku aadanayd Deyn Cafinta.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu waxbadan sheegay in Soomaaliya deynta laga cafinayo laakiin Xaqiiqdu ma ahan Deyn Cafin ee waxa laga shaqynayo in la Caafiyo waa Lacagaha dulsaarka Deynta Soomaaliya lagu leeyahay,.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya wuxuu hada ka hor sheegey in Norway ay Soomaaliya ka bixineyso qaar kamid ah Deynta lagu leeyahay Soomaaliya Laakiin xaqiiqdu sidaas ma aha.

Lacagta Norway bixineyso waa qaar kamid ah Lacagaha m dulsaarka ah, Lacagtaas Norway bixinaysana waxay Deyn ahaan qoraysaa Soomaaliya oo ma jiro Hal dollar oo ay Deeq noo siineyso,Wasiirka Maalgashiga Norway ayaa Arintaas cadeeyey.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Jubbaland

<