Waa Sidee Xaalada Baledxaawo Dagaalkii shalay kadib

Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo oo ay shalay kubdagaalameen Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Kuwa Jubbaland ayaa maanta xasiloon inkastoo Shacabka Magaaladu ay ka walwal sanyihiin Xaaladiisa Amaan.

Goobaha Ganacsiga ayaa qaarkood wali xorannyihiin waxaana yaraaday isusocodkii Dhinaca Mandheera iyo Buulaxaaw.

Shacabku waxay ka walwal sanyihiin in Dowlada Kenya ay xirati Xuduuda, waana insha kaliya ee u furan Reer Baladxaawo iyo nawaaxigeedaba , Nomodha Shacabku waxay ku xiran tahay Dhinaca Kenya.

Caruurta Magaalada badankoodu waxay Iskuulka u aadaan dhinaca Mandheera ilaa maantana Amaankooda awood looma dirin Iskuulada Caruurta.

Hooyo Xaliima Xasan Farax oo Reer Baledxaawo ah waxay Puntlandi.com u sheegtay inay ka walwal santahay Mustaqbalka Magaalada “hadii Xuduuda Xiranto, Cunada Waxaan kasoo iibsanayo oo noogasoo degtaa Kenya, hadii la xiro gaaraan u dhimanaunaa.” Ayay hadalka kusoo koobtay.

Dowlada Kenya dhankeeda saxay adkeystay isusocodka labada dhinac laakiin wali sitoosa u ama xiran Xuduuda.

Puntlandi.com
Kismaayo

<