Maxay tahay sababta ay Xildhibaanada Reer Waqooyiga ay isaga Casileen Xisbiyada

Xuseen Carab Ciise wuxuu ahaan jiray Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadii Madaxweyne Shariif iyo Raysal wasaare Cabdiwali Gaas, wuxuu iska casilay Xubinamadii Xisbiga Himilo,

Tan iyo shalay waxaa soo baxayay Xildhibaano iyo Sanetaro ka baxayay Xisbiyada ka dhisan Muqdisho, Masuuliyiintaan ka tirsan labada Aqal ee Federaalka Soomaaliya waxay soo gudbiyeen iscasilaadooda kasii mid ahaanshahooda Xisbiyadii ay ka tirsanaayeen.

Dhamaan Xildhibaanada iska casilay kuna dhawaaqay inay ka baxeen Xisbiyada ayaa waxay kasoo jeedaan Soomaaliland.

Waxay kala yihiin

  1. Senator Muxiyadiin Sheekh Cali
  2. Senator Cabdirasaaq Axmed Cali.
  3. Xldhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil
  4. Xildhibaan Ex Wasiir Xuseen Carab Ciis

Mudanayaashaan waxay ka kala tirsanaayeen Xisbiyada ay kala hogaamiyaan labadii Madaxweyne ee hore Xasan Sheikh Iyo Shariif Sheikh Axmed.

Maxay tahay Sababta ay isu casileen

warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi .com ay heleen ayaa waxay sheegayaan in Masuuliyiintaan  iscasilay ay ka biya diidsan yihiin ayna ka caroodeen Kulan uga socda Dalka Turkiga  Xisbiyada ay Xubnaha ka ahaayeen , kulankaasoo aysan ku jirin Xubnaha  Xisbiyada ee Beesha ay iyagu kasoo jeedaan, Waxayna Masuuliyiinta Xisbiyada ku eedeeyeen in ay ku xadgudbeen Nidaamkii awood qaybsiga ee Xisbiyadu ku dhisnaayeen..

 

Beesha Isaaq ayaa kulanka ka maqan sida muuqata waana sababta ay isu casileen Xubnahaan.

Kulanka Turkiga uga socda Xisbiyada Midnimo Qaran oo ay Xubnaha ka ahaayeen Masuuliyiintaan iscasilay ayaa looga hadlayaa  Doorashada 2020/2021, Masuuliyiinta Shirkaan ka qaybgalaya waxaa kamid ah Labadii Madaxweyne hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Ahmed , Raysal wasaarayaashii hore Cabdiwali Gaas iyo  Cumar Cabdirshiid, iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka isla markaasna ahaan jiray Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan sheikh Aaden iyo waliba Masuuliyiin kale oo kasoo jeeda Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.

puntlandi.com

muqdisho

 

<