Faahfaahin buuxda—- Xaalada Baledxaawo, Khasaaraha rasmiga ah ee Dagaalkii shalay

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa maanta u kuurgashay Xaalada Magaalada Baledxaawo kadib Dagaalkii Shalay ka dhacay.

Waxaa maanta la dareemayaa xaalad Colaadeed Ciidamada labada dhinacba waxay ku jiraan hub urursi iyo is urursi, Waxayna Shacabka Magaalada ka cabsi qabaan in Dagaal mar kale uu ka dhaco Magaalada.

Sida muuqata hada Waxay u egtahay in Markale uu Dagaal ka dhico Baledxaawo, Ciidamada Jubbaland waxay aad isugu soo ururiyey Duleedka Magaalada , halka Ciidamada Dowlada Federaalku ay iyana heegan ku jiraan.

Khasaaaraha Dagaalkii Shalay

Sida la xaqiijiyey Dagaalka waxaa shalay Bilaabay Ciidamada Jubbaland kuwasoo Weerar Gaadmo ah ku qaadey Ciidamada Dowlada Federaalka, waxaa halkaas Ciidanka DF kasoo gaaray Khasaare aad u weyn, 17!Askari ayaa ka dhintay halka dhaawucu uu gaaray 25 Askari oo laba jeer loo kala qaadey Xamar.

Ciidamada Jubbaland oo ka war helay in Gurmad soo gaaray Ciidamada Dowlada waxay durba bilaabeen iney dib u gurtaan, khasaaraha soo gaaray waa 6 dhimasho ah iyo 2 Askari oo la waysan yahay, dhawaca xagooda waa lix Askari.

Khasaaraha soo gaaray Shacabka

Sadex Qof oo shacab ah ayaa u geeriyooday dhiigbax kadib dhawac kasoo gaaray Xabadihii la isdhaafsanayay, waxaa kaloo dhawac ah 15 Rayid ah, oo afar Caruur tahay, waxaa dhamaantood lagu daweynayaa Dhanka Kenya, laba Qof oo garaab ah waxaa loo qaadey Nairobi.

Xaalada Guud ee Magaalada

Magaalada BaledXaawo waxay ku tiirsan tahay Xuduuda Kenya Dhaqaale ahaan iyo Nolol maalmeedkaba, hadii Kenya Xirato Xuduuda waxay Magaaladu noqonaysaa Go’doon, sidaas awgeed Shacabka Magaalada iyo Qurbajoogta Magaaladu waxay labaduba aad uga walwalsan yihiin in Kenya Xirato Xuduudeeda.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo ku sugan Mandheera ayaa Xalay Dad lahadlay waxay kasoo Wariyeen inuu yiri “Kenya Waxaan kala hadlay inaysan marnaba Xuduuda aysan Xirin, Dagaalku wuxuu ka dhexee?yaa Kuwa kusoo duuley Jubbland iyo Ciidanka Jubbaland, Laakiin Dmshacabka sinaba uma ogolaanayno in la go’doomiyo, Dowlada Federaalku waxay doonayaan in Shacabka iyo Kenya iska horkeenaan, taasna Reer Gedo Yeeli mayaan”.

Dhinaca Dowlada Federaalka ilaa hada si rasmi ah ugama hadlin Xaalada Magaalada mana jiro wax Gurmad Caafimaad ah oo ka yimid Muqdisho, Dhamaan Dhawicii Shacabka waxaa lagu daweynayaa Dhinaca Kenya, Xuduuda Waxaa lasoo dhoobay Boolis badan oo Kenyan ah laakiin Labada Shacab si Fartuun tartiib ah ayay ukala adeeganayaan si nolol maalmeedku uusan u istaagin.

Warbixinta waxaa Diyaariyey Axmed Jamac
Garisa- Kenya

Puntlandi.com
Baledxaawo

<