Ciidamada Amaanka oo Bosaso gudeheeda ka wada Howlgal lagu Raad joogo Taliye Al-Shabaab ah

Ciidamada Sirdoonka Puntland iyo kuwa Amaanka ayaa Howlgal wada jir ah waxay ka wadaan suuqa Bosaso kadib markii la helay macluumaad sheegaya in Mid kamida Saraakiisha Al-Shabaab oo Asal ahaan Reer Puntland ahi uu Magaalada joogo.

Ni kaan lagu Raad joogo oo aan Magaciisa la shaacin waxaa la sheegay inuu ka mid yahay Al-shabaabka Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Sirdoonka Puntland oo kaashanaya Srdoon kale ayaa xogtaan helay, waxaana tan iyo saaka baaritaan lagu wadaa Shacabka ku sugan Gudaha Suuqa.

Xaafadaha qaar iyana waxaa la sheegey in laba Guri ay Ciidanku galeen oo ay baaritaan ku sameeyeen laakiin Cidna lagama soo Xirin Howlgalka Xaafadaha lagusoo baarayay.

Dowlada Puntland iyo Maamulka Degmada midna kama hadlin Howlgalkaan.

Puntlandi.com
Bosaso

<