Wadamada Reer Galbeedka oo dhowr jeer oo hore ka digay in Soomaaliya loo Sameeyo Ciidan ama Cunaqabataynta laga qaado, Maxay ahayd sababtu

Dhowr jeer oo hore ayaa Wadamo dhowra waxay ka digeen in Xiligaan Ciidan loo sameeyo iyo in Cunaqabataynta hubka laga Qaado Soomaaliya, Iyagoo u arkayay iney khatar ku yihiin iyaga dhexdooda(Soomaaliya) iyo Dalalka Dariska.

Shirkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya loogu qabtay London waxaa lagu falan qeeyey in Soomaaliya Ciidan loo sameeyo iyo in kale laakiin waa laga cagajiidey sababtoo ah waxaa jiray dareen weyn oo ahaa in ay khatarteeda leedahay xiligaan la joogo hadii Ciidan loo Sameeyo Soomaaliya.

Wadamo dhowr ah Oo Turkiga iyo Emasraatku u horeeyaan ayaa isku dayay iney Soomaaliya ka dhisaan dhanka Ciidanka laakiin waxaa u digay Wadamada Reer Galbeedka oo sheegey in hadii Ciidan loo sameeyo Soomaaliya ay khatar u yihiin in ay iyagu isku laayaan ama khatar galiyaan Amaanka Wadamada Dariska la ah.

Waxaa kaloo jiray walwal ku aadan kooxda Argagixisada ah oo ku dhex Milan Ciidamada Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa dhowr jeer la bogaadiyey Ciidamada Maamul Goboleedyada oo la sheegay iney yihiin Ciidanka qura ee la dagaalama Argagixisada, Maraykanka ayaa kamid ahaa Wadamada bogaadiyey Maamul Goboleedyada waxayna dhowr jeer soo jeediyeen in sare loo qaado tayada Ciidamada Maamul Goboleedyada inta laga gaarayo xili la aamini karto in la sameeyo Ciidan Qaran oo Soomaaliya ay yeelato.

Xukuumadii Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isku dayay iney dhinac kale wax ka raadiyaan si Ciidamada loogu tababaro loona qalabeeyi, waxay Turkiga iyo Emaaraatka ka codsadeen in laga caawiyo Dhismaha Ciidanka, waxaa saas ku bilowdey heshiisyo dhowra oo Turkigu la galeen Xukuumadii Xasan Sheikh, waxaana bilowdey in Turkigu uu Gudaha iyo dibadaba uu kusoo tababaro Ciidan Soomaaliyeed, inkastoo Ciidankii lagusoo koobay Koonfurta Soomaaliya oo qura.

Xukuumadii Xasan Sheikh waxay isku dayeen ayna ku guulaysteen iney Caalamka Tusaan inay kantarooli karaan Ciidankooda tasaana keentay in Turkigu uu laba jibaaro tababarka Ciidanka.

Xukuumada Raysal wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo waxay hada Ceel ku rideen Rajadii laga qabay In Soomaaliya ay yeelato Ciidan Awood leh waxayna markhaati u noqdeen Dalalkii aamin sanaa in hadii Soomaaliya Ciidan Awoodleh loo sameeyo ay iyagu isku laynayaan ayna khatar ku noqonayaan Wadamada Dariska.

Todobaadkii hore iyo todobaadkaan Waxay Ciidamadii Turkigu tababaray ay Qoriga u qaateen Maamul Goboleedyadii, Waxay maanta ku dhawaaqeen iney ka talaabayaan Xuduuda Kenya oo ay Nairobi soo taabanayaan, Urur Diimeedkii Maxaakiimta Ayaa laga hayay Adis Ababa baan soo taabaneynaa!!!!.

Waxaa Caalamku wada arkay wixii laga digayey ee ahaa hadii Soomaaliya ay Ciidan yeelato xiligaan iney iyagu isku Dilayaan.

Puntlandi.com
Garowe

<