Safiirka Mareykanka ee Somaliya Ambassador Yamamoto ayaa ugu baaqay dhincayada ku dagaalamya Beled Xaawo in ay dirirta joojiyaan

Safiirka Dawlada Mareykanka u qaabilsan Dalka Somaaliya ambassador yamamoto ayaa ugu baaqay dhinacyada Somaalida ee dagaalku ku dhexmaray Magaalada Beledxaawo in ay joojiyaan dirirta u dhaxeysa.

Qoraal kooban oo caawa ka soo baxay Safaaraada Mareykanka ayaa looga dalbaday waxa Safiirku ugu yeeray ” Dhinacyada Somaalida “ in ay dulqaad mujiyaan, oo khilaafkooda ku dhameeyaan miiska wadahadalda.

Luqada Diblomaasiyeed ee uu Ambassador Yamamoto adeegsaday ee ah ” Dhinacyada dirirtu u dhaxeyso “ iyo xusid la’aanta magaca Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa laga dhadhansan karaa sida Dawlada Mareykanku uga soo horjeedo Meleeshiyooyinka Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo ee qaska iyo degenaansho la’aanta ka wada degaanada Jubbaland.

Dabayaaqadii bishii hore ayey aheyd markii Ergeyga joogta ah ee Dawlada Mareykanka u fadhiya Golaha Amaanku uu ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu Maleeshiyooyinkiisa uu kala baxo Gobolka Gedo, isla markaasana uu joojiyo colaada uu ka hurinaayo deganadaas.

Halkan ka akhriso Qoraalkii Ambassador Yamamoto.

<