Hogaamiyihii Ehlu Suna oo Magangalyo Bini’aadanimo ka helay Puntland

Hogaamiyihii Urur Diimeedka Ehlu Suna Sheikh Maxamuud Sheikh ayaa sal dhigay Puntland kadib markii looga adkaadey Ururkiisa Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka Puntlandi.com helayaan waxay sheegayaan in Sheikh Maxamuud uu Xiriir uu lasameeyeyvPuntland looga aqbalay inuu Puntland ku noolaado oo Amaankiisa la ilaaliyo.

Dad aad ugu dhow Sheikha waxay Sheegeen invSheikkh Maxamuud uu yahay mid kamida Dadka ay sida weyn u raadshaan Al-Shabaab oo uu xagoida Dil ku xukuman yahay, waayo waa Ninkii sida aadka ah ula Dagaalay Al-shabaabkii Gobolada Dhexe wuxuuna ku guuleystay in Ururkiisu ay ka sifeeyaan Al-Shabaab Galgaduud.

Sababta uu u doortay Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay meesha kaliya oo uu dareen San yahay inuu Al-Shabaab kaga badbaadi karo inay tahay Puntland maadaama Ciidan iyo hub toona uusan hada isagu haysan.

“Adeer Sheikh Naxamuud wuxuu qaatay go’aan fiican waayo Muqdisho iyo Dhuusamareeb haduu sii joogo lahaa u malayn Mayo inuu sii noocaan lahaa” waxaa sidaas yiri wiil uu Adeer u yahay oo hada kula sugan Garowe.

Waxaa jira warar sheegaya in Sheikh Naxamuud uu mudo gaaban u safro doono aadis Ababa iyo Dubai, kadibna uu kusoo laaban doono Garowe.

Puntlandi.com
Garowe

<